إنا لله وإنا إليه راجعون
إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى فلتصبر ولتحتسب
waxan tacsi tiiraanya leh u dirayaa guud ahaan umada soomaaliyeed meel kastey ku sugantahay, waxan sidoo kale u tacsiyaynayaa eheladii iyo qaraabadii u ka tegey alla ha u naxariistee qoraagii, taariikhyahankii weynaa ee Aw Jaamac Cumar Ciise oo 06/01/2014 ku geeriyoodey magaalada DJibuuti waxan leenahay Eebbe naxariistii janno hala waraabiyo:
Geeridu xaq weeyoo dhamaan waa la go'ayaaye
Gelinkii na dhaafaba midbaan god u jiqwaarraaye
Dhaaxaan geesi duugnoo abwaan geliney booraane
Awjaamac oo caawa gegan waa ged xoog badane
ma gam'aayo oo waa gurbaday gebi ahaantaye
guullow allahayow adaan gacanta kuu haadin
Adigaa gartiisii hayuu maanta kuu galaye
Guullow allahayow jannada guri kasii fiican
U gargaar allahayow maqfiro guud u bixi caawa
by: Ahmed Saed
No comments:
Post a Comment