u fiirsashada iyo fahanka habdhaqanka xayawaanka (Animal behavior), waa mid soo bilaabatay xilligii aadanuhu ku dhaqaaqay dabjoogaynta xayawaanka qaarkiis iyo intifaacsigiisa. La socodka baahidiisa, isbedelka noloshiisa, hab-quudashadiisa, hannaanka tarankiisa iyo wax yaabe kale oo badan ayaa dadku dhaqan ahaan u barteen teer iyo intii lagasoo gaarayey qarnigii 18-aad oo aqoon ahaan (science) loo baaray dabeecadaha xayawaanka, lanasoo daah furay kasmooyin kulliyad ahaan (Academy) loo barto, lana xiriira caafimaadka iyo xannaanada xayawaanaka (Veterinary & Animal production), sida xannaanada xayawaanka (Animal hasbundry) iyo maaraynta nimcooleyda (Livestock management), kuwaasoo aqoon ahaan u faahfaahiyey wixii tijaabada noloshu inaga bartay ma yeeraankan aan la noolnahay.
Soomaalida oo caan ku ah, dhaqashada xoolaha, ayaa ka mid ah bulshooyinka wax badan kala socda dhaqammada meesiyada ay xannaanaystaan. Haddaba, qormadan ayaan ku eegi doonaa, astaamaha dhiillo (cabsi) ee geela iyo fardaha, inagoo, midba gaar isu dul taagayna.
Saddex cadow oo geel jiraha iyo fardooluhu naftiisa iyo xoolihiisaba uga biqi jirey ayaa jirey. Kan koowaad waa col oo ah cadaw dad oo weerar kusoo qaada, ujeedkiisu dad la dilo iyo duunya la qaado kuu rabo ha ahaadee, kan labaad, waa libaax oo dad iyo duunyo aan kala reebin, kan saddexaadna waa dhurwaa (waraabe) oo duunyada laaya. Guud ahaan, har iyo habeen dhiillo iyo cabsi badan ayaa jirtey. Hase ahaatee, habeenkii oo aragga aadanuhu iska koobanyahay ayaa la adeegsadaa xayawaanka aad la joogtid. Waxa waardiye laga qabtaa dhaq dhaqaaqiisa, waxana lala socdaa eegmadiisa iyo halka ay ku aaddan tahay. Balaan labada (geela iyo fardaha) mid-mid isu dul taagno inagoo saddexdii cadaawe ee aan kasoo hadalnay ku jaangoynayna:
Geela:
Soomaalidu waxay rumaysantahay in geelu yahay xoolaha ay dhaqdaan kan ugu aragga dheer, uguna xasuusta badan. Waana mid wax badani ka jiraan. Bal ila fiiri sida ay colka iyo cadaawaha ugu ilbaadiyaan :
COL: Hashu hadii ay aragto qof banii aadan ah, waxay u eegtaa qaab gaar ah. Halka uu ka xigo ayeey eegtaa. Isha ayeey la raacdaa illeen qofku waa soconayaaye, Iyadoo isha la wareejisa in mudda ah, si fudud ayuu kan yaqaani kuu oranayaa hashaasi qof bey aragtaa. Halkaas ayuu ninka geel jiraha ahina iska jiraa isagoo leh billuu col noqey.
Libaax: geelu haduu libaax arko ama dareemo inuu aagga soo galay, dhammaantiis waa wada kacaa. waa yool yooshaa, kaadina waa ku waashaa. Inta libaaxaasi agjoogana hali kama fariisato. Markaas ayaa la dhehaa, waa baabulle!! war is jira dabkana inoo shida.
Waraabe: Geelu mar haduu galihiisa joogo waraabaha (dhurwaaga) kama baqo. Hadduu u yimaadana kama dido. Cidlada ayaase xun. Haddii hashu aragto waraabe halmar oo keli ah ayeey dhugataa, dabadeedna waa kasoo jeensataa dib danbena uma eegto.
Fardaha:
Sidoo kale Soomaalidu waxay rumaysanyihiin, in farduhu yihiin xoolaha ay dhaqdaan kuwa ugu dhega waddan. Waa runoo meel dheer ayeey wax ka maqlaan. Taas ayeey uga faa'iidaystaan inay kula socdaan wax kasta oo aagga soo gala, gaar ahaan habeenkii xilliga la mirayo.
Farasku markuu daaqayo madaxa ma qaado, goynta geedaha iyo calalintana (calajintana) waa isku wadaa. Siduu u daaqayo, ayuu maqlayaa jabaq meel fog ah, markaasuu goynta iyo calalinta (calanjinta) geedaha joojiyaa isagoo aan madaxa kor u aqaadin. Cagidaba ninkii la joogey ayaa garanaya in uu wax maqlay farasku. Mudda yar kadib ayuu markale sidii oo kale samaynayaa. Waayo, wuxu wax ka maqlayaa meel aad u fog oo aan araggiisu gaarin. Waa dhegaysanayaa ilaa uu kasoo dhowaado. Markuu is dheho allaylehe soo dhowow oo waad arki kartaa, ayuu hal mar si deg deg ah madaxa ula boodayaa oo dhanka lagasoo galay dhuganayaa. Sidoo kale, kii la joogey ayaa isna la dhuganaya. Sida la sheegana wax badan kama arag dheera aadanaha.

No comments:
Post a Comment