Monday, 12 May 2014

Hurre & Habboon ( curis)


Hindise: Axmed Siciid Maxamuud
Goobtu waa eeri go'an iyo omos harraad loogu dhintay, waa halkii cir kaa dheer dhul kaa dheer lagu tilmaami jirey ,degsiimadu ma badna oo waa dhawr jees oo laba habeen ka hor iyana loxoskoodii ahaa, naq iyo niqaw toona meesha kama degin kobtase caddaan ayaa ka muuqda, dhirta qaarkeed sida galoolka iyo bilcilku  waa dharisay oo caleen cagaaran ayaa dusheeda ka muuqata, ubaxa badankiisu afka furtay ee dhirta dharisay  qaarkeed dulsaaran cayayaan badan ayaa dul heehaabaya oo shinnidu ugu qiima badantahay, balan baalistuna ugu qurxoontahay, higlada ayaa iyana dusheeda heelida iyo doomaarta laga dheehan karey, durba waxaraha yar-yare  ee diraac dhalka dhowaana ababay waxa laan-laan looga jaray galoolka, lama niyad xumayn oo xaalku suu ahaa marka la eego waxaba laysu haystey in diraac jebiye da'ay, waxana la malaynayey in gurigani yahay kii bocor gu' lagu sugi lahaa.


 Saaka ayaa hayimada dhoomaha waaweyn ee biyaha lagu dhaansado iyo qarbadyada (xababka) dhinacyada lagaga tiiriyey, dhaanku habeen sii socod ah, habeen ceelalya ah iyo habeen soo socodaba maqan, markii laysku dabay awrtii kii ugu hoggaan baxsanaana loogu horraysiisyey,  ayaa Jaamac oo Koodeeye ku magac dheeraa hoggaan qabtay oo la dhaqaajey, Cali oo dhanka midig ka taagnaana intuu dib isu jimbacay ayuu ushiisii oo uu gadaashiisa awrka markuu rarayey dhigay la boodey oo dhinaca ka raacay, koox haween u badnaa oo isugu yimi guriga dhaanku ka ambabaxayo ayaa nabaadiinada u xiray, ilaa uu libdhayana waa lasii eegayey.

Ammintu waa barqo xooluhu xasileen oo afka dhulka ku hayaan waxay ka gooyaanba, waa hagi hagi kaliileed oo aad u kuklul, Habboon waxay arigoodii oo laba daran ah ( ido& riyo isku jira)  kusoo deysey kobo iyo qoobab yar-yar oo teel- teel ah oo dhalaalka cawskii hogol yar oo dayrtii hore qabatay afna aan la saarin oo halkiisii ku qalalay ka muuqdo, dulin loogama baqayn xoolaha maadaama aan naqii dayrtii laga degin aagga ee uu ugbaad ahaa, riyaha oo aad u dheereeya bur dhaafkana yaqaan ayeey horta ka celineysey, illeen waatii la yiri markey ridu  daaqeyso waxay dhahdaaa "Berraa darane burkan dhaaf" , Habboon dhinaca intey kagasoo wareegto ayeey marba hees hawleed riyaha u gaar ah si quruxbadan iyadoo isjalqinaysa garaarahana lulaysa ugu luuqayneysey, waxa ka mid ahaa heesahaa:

Garey shamadeey
Sheexa luuleey
Shan dhurwaa iyo
Shabeel kuma cuno

Mar kale inta ay luuqda rogto ayeey lahayd:

maadaa hidhigo
 hawraarayoo
 hilimada sariyo
 hawd geeda tiray
 oo geela baray

Marar kale ayeey dabada iskasoo raacinaysey oo idaha burkii ay saaka afsaareen la taagan hora isusoo raacineysey illeen waatii la yiri iduhu markey daaqayaan afka dhulka kama qaadaan waxayna dhehaan: " cirku buux, dhulku buux, canka buuxi".
Habboon intaa waxa u dheeraa inay dareerinaysey xarig gar ah oo garabka bidix ugu duubnaa gabagabana ku dhowaa, walow aysan far ka qaadayn oo ku foognaydna  aad bey u feejignayd.

Goor uunbey si kedis ah u maqashay sanqar soo gashay iyo foori goos goos ah oo dhanka midig kasoo bexeysa, waa jalleecday mise waa nin dhallinyara ah oo warankiisa dhulka kusoo mudaya foori iyo heesna iskusoo daraya, dhaqanka ayaa saas ahaaye wuxu uga dan lahaa inuu inanta is ogaysiiyo kedisna aanu ugusoo bixin, iyana garatay deg degna isu ururisay, garkey soohanaysana hoos u dhugatey.
Inankii: Asalaamu calaykum
Inantii: Wacalaykuma salaam
Inankii: Nabad la sheeg
Inantii: Bela ma ogin… iyadoo eegma ay qoobka hoose ka bilawday korna u baxday si deg deg ah ugu xadaysa.
Inankii: Baadi sheeg
Inantii: Baadidaadu nooceed?
Inankii: Mid dad  iyo mid duunyaba lagu weydii.
Inantii: Mid dad ma arag mana maqal, tan duunyose waa meesigee?
Inankii: Waa baadi geel oo berya maqan.
Inantii: Tira ahaan waa immisa?
Inankii: 15 halaad… ayuu si deg deg ah u yiri isagoo aad moodid in loo bishaareeyey afkeedana dhawraya.
Inantii: Geel aan dhawr iyo toban ku hilaadshey ayaan toorihiisa shalay luuqaas sii jeeda ku arkay… ayeey si degan u tiri.
Inankii: Ina adeer waa luuqee ii tilmaan bal… ayuu si xamaasad badan isagoo farxadi ka muuqato u yiri.
Inantii: dhudhubtan ina xigta markaad ka gudubtid , luuqa jeexyada biya mareenka ah leh weeye, maraayada isku dhoonka ah ee waaweyn qoortooda.
Inankii: ma qiyaasi kartaa xilliga toorahaasi ahaa walaal?
Inantii: maalin ka hor ayuu ahaa.
Inankii: maxaad ku garatay?
Inantii: saaladaan burburiyey.
Inankii: wallee inaad xoola yaqaan tahay… ayuu ku yiri intuu korkeeda indhaha la raacaya.
Wuxu u holladay inuu u dhaqaaqo halka inantu u tilmaantana gaaro, waase is qabtay oo waxbuu xasuustay, iga raali ahow ina adeer horta magacaa kumaba weydiine? Ayuu ku yiri inantii.
Inantii: Habboon.
Inankii: Habboon waa magac kugu habboon, oo waa ina tuma?
Inantii: ina Jaamac Koodeeye
Inankii: anna Hurre ayaa lay dhehaa walaal… ayuu ku ceshey isagoo inantii hayb gartay.

Dhanka gabadhu u tilmaantay ayuu u dhaqaaqay isagoo raadinta geelu kar kabadayneyso , hase ahaatee aan raali ka ahayn inuu Habboon deg degaa uga tago, haduu tallaabooyin aan badnayn gediyana gadaaal ayuu soo jalleecay, mise Habboon iyana dhanka kale ayey u dabayshatay oo riya dabayl cararay ay kasoo celi lahayd, intuu istaagey ayuu siisocodkeedii isha ka buuxsadey, iyadoo tafta qabatay tallaabana hinjineysa, dabayshuna maryeheeda balfinayso, waa ku dhaygagay oo halkii ka dhaqaaqi waayey ilaa ay Habboon ka fogaatey, gadaalbuuse is xasuustay oo sii jagaafiyey.
Intuu sii socdey wuxu ku sheekaysanayey tani waa mar la aragye tolow ma malaa'ig baa? Tolow dib danbe ma u arki doonaa?  Col dhacakan aan daba taagnahay maka haraa oo dib ma ugu laabataa ayuu dhawr jeer ku hammiyey, waa mahad ilaah mar hadaad haybsatay oo waliba garatay ayuuse isku qanciyey, halkey u tilmaantay ayuu isasii taagey, salaaduu burburshey mise waa runteede waa maalin ka hor, raadkuu cagta saaray, isagoo markuu mudda socdaba saala bur burinayey, kuna cel celinayey : "saala saalay mindhaa saakaanan kaa harin"
Hurre habeenkaa gabbalku waaqla' ayuu ugu dhacay, hayjad cidla ah oo habboona ka dheer halihiina aaney joogin ayuu geed dushiis baryey isagoo libaax ka cabsanaya, waxa intaas u dheeraa harraadka iyo gaajada oo saaka ayuu sibraar caana uu ku sitey saddex berina jidaal lasoo ahaa intii u dambaysey soo fuuqsaday, subax labaadii ayuu halkii kasii anba qaaday, goorey harka wiira wiiraa tahay harraadna uu bestiis la yahay ayuu wadadii geelu hayey ee uu ku raad joogey ku arkay raad libaax oo dul saaran kii geela, war la be' tolow ma geeluu daba joogaa ayuu isyiri, dhawr tallaabo ka bacdise wuxuu arkay kadidiisii oo qoyan, garey inuu hadda maray kana horreeyo, intuu istaagey ayuu madaxa kor u qaaday oo hortiisa eegey, mise waa aar libaax oo meel toban tallaabo u jirta intuu dabada ku fariistay, qaarka sare kor u taagaya oo usoo jeeda, hal mar ayaa Hurre tin iyo cirib jidhiidhico roortay, wuxuse go'aaansaday inuu is adkeeyo, naftani tii alley leedahaye, dhan ayuu uga bayray wadadii isagoo libaaxii eegaya libaaxuna soo eegayo…

…Lasoco qaybta 2aad










     

No comments:

Post a Comment