Sunday, 26 January 2014

Dan sheeg

waxan gabaygan ugu tala galay isbeedelka Puntland ka dhacay, wuxuna si toos ah ula hadllayaa masuuliyiinta cusub ee la doortay iyo waliba dadka reer Puntland, wuxuna soo baxay 23/01/2014, ka bogasha wacan:

1.Da'da gabayga waataanan deyey toban diraacoode
2.Waataan dedalkii ka haray daba galkiisiiye
3.Markii derejadiisii luntaan daayey hadalkiiye
4.Markii duunya lagu raadsadaan huray dantiisiiye
5.Inaan dibad ka jooogaan jeclaa aanan daakhiline
6.Debnahay dhaqaaqaye markale duub isma lahayne
7.Danqashada dalkaa igu qasbiyo duxiyo iimaane


8.Kana waa hal door iyo midaan caawa daabacaye
9.Waa daadeg hoosiyo wax sheeg hooris daba yaale
10.Mar dadkaygu suu doonayaan dan uga faalloonin
11.Madax daan dirnaan dood la furi daniyo yeelkeede
12.Marna waa digaayaa dadkaan halal dareensiinin
13.Oo waa dan sheeg iyo farriin daacad xoog badane

14.Ninka yiri dalbaan hagi hogaan debecsan baan yeelan
15.Ee uunku wada doortayee lala damaashaaday
16.Dad baa kugu game e garo dedaal culusna meelayso
17.Degsiimadu siday tahay ogow waxa lagaa dooni
18.Dar dar geli umuuraha xaqaa lagu dedaalaaye

19.Hadii aad durriyad leedihiyo danabya awlaada
20.Intaad wada daryeeshaad sinnaan ugu dedaashaaye
21.Waxa  taa la dira waa dadkaad dabar u haysaaye
22.Haw kala darnaan oo midkood dibada yuu seexan
23.Dusha saar midkii daala iyo kay darxumo hayso
24.Daadihi wixii dura hayiyo doog xun ka ilaali
25.Dareensii inay wada yihiin dabin walaaloobey

26.Dabaq fooqa kii jiifa iyo derinba kaan haysan
27.Midka laxamka duhurkii cuniyo kaan dab shidanaynin
28.Dar ilaahay waa siman yihiin waana kala doore
29.Mid waliba wuxuu kaa dalbado haw dawa la'aanin
30.Yey kala dibboodin hal dhinac diirada ha saarin
31.Dareensii inay wada yihiin dabin walaaloobey

32.Degaankeenu waa gibin misana daas fog baa jira e
33.Duul wada degaan nahay misana waaynu derisnaaye
34.Dadku waa hal xaafada dhammaan waana kala daare
35.Dooxada nuugaaleed taniyo dararta Buuhoodle
36.Degta Gaalkacyood darafka iyo garacad daanteeda
37.Daafaha Qardhood xeebta dedan dacalladii Bayla
38.Dhulka durugsan dooxada Sanaag buurta dabadeeda
39.Dur durkii xalmeed iyo taleex degel wanaageeda
40.Hadaan dawladnimadeena iyo dooggu ka iftiimin
41.Oo aad hal meel wada degtaan waa wax noo darane
42.Derejada ay keentaana waa dacar kharaaraatey

43.Dan waa seeto oo waa midaan cidina diidayne
44.Isdaryeel dakaygow halbaan kaaga digayaaye
45.Nin walaalki daayacay dhibuu dararsanaayaaye
46.Isdaadihiya duul wada dhashiyo dawlad baan nahaye
47.Derisnimada yaan loo darnaan nabadu yeey duugmin

48.Dunidaan ku noolahay hadaan maanta dibu eegno
49.Oo dawladaha xoogga badan dhabu diraasayno
50.Isgargaarsi duuglaa arliga lagu dul joogaaye
51.Inaad adigu daab iga rabtiyo godin wax kuu deyrta
52.Aniguna dabaan kaa shitiyo dhuxul yar doonaayo
53.Hadii aan dareenkeedu jirin duni ma joogneene

54.Buuraha dalkeena ah hadaan fooxa laga doonin
55.Oo maydiga la daabulin misana doonya laga buuxin
56.Duunyadiyo xoolaha hadaan dibada loo dhoofin
57.Duurjoogta kaydka ah hadaan lagu dalxiisaynin
58.Dalka udugna aan sheeganaa waa dabbaalnimo e

59.Baddan dedan biyaha duulayee dunida maansheeyey
60.Iliilaha durdurayiyo togaan dooxa dhinac yaala
61.Hadaan beera lagu deyrinoo dalag la meelaynin
62.Durfi iyo jawaan quud ku jira dubay kasoo dhoofso
63.Ku daryeeli meysoo wax li'i kaagasii darane
64.Dihnigaaga geli  taa anaa kaagasii degeye

65.Mar hadaan halkaa degey dhabtii waa dul taagnahaye
66.Nin rabaa ha diidoo ninkale haw durbaan tumo e
67.Deeqlow allahayow adaan daacad kuu ahaye
68. Adaan kaa dalbanayaa codsina kuu dirsanayaaye
69.Daqarrada xumaanta ah allow naga ded muuqooda
70.Eebbow dariiqii san iyo diinta nagu toosi

   

No comments:

Post a Comment