Thursday, 17 November 2016

Geela: Abnaqiisa iyo Aagaga laga helo:


Waxa la rumaysanyahay in geela asalkiisu kasoo jeedo Koonfurta Ameerika. 45 malyan oo sano ka hor ayuu usoo tallaabay dhanka Waqooyi-Bari Aasiya, halkaas oo uu ku kala tegey, noocya kala noqday, ugana sii tallaabay jasiirad u'ekaha carabta iyo Afrika sida culimadu qabto.
Waxa jira xayawaana dhawr ah oo la rumaysanyahay inay geela abnaq wadaagaan.
Xayawaanadaas oo uu geela aan dhaqanaa ku jiro, waxa loogu abtiriyaa hal qoys oo la dheho qoyska geela (camelidae = camelids). Waxa loo kala qaybiyaa qoyska geela laba qaybood oo kala ah:

1. Geela dunida hore (OWC: Old Wolrd Camels) :
Saddex nooc oo geel rumeedka ah (true camel)  ayaa qaybtan ku abtirsada.  Geela hal kuruslaha ah ( dromedary camel – camelus dromedaries) , geela laba kuruslaha ah ( Bactrian camel –  camelus bactrianus) iyo nooca saddexaad oo ah laba kurus laha duurjoogta ah ee  Mangooliya  (camelus bactrianus ferus).
2. Geela dunida cusub (NWC: New World Camel):
Xayawaanada qaybtan ku abtirsada waa geel u'eke (pseudo camel) laga helo koonfurta Ameerika. Waxa la dhehaa (SACs: South American Camelids).
llama, alpacas, guanacos iyo vicuñas ayaa loo yaqaan xayawaanadaas. Ma aha kuwa Soomaalidu taqaan oo magacyadoodu waa ajnabi.
guanacos iyo vicuñas waa duur joog ilaa haatan. Waxase jirta in dhaqashadooda la bilaabay, xarumaha aqoon baaristana lagu hayo.
Llamas iyo alpacas ayaa la dhaqdaa,
     Cama:
Xarunta Taranta geela ee Dubay (Camel reproduction centre, Dubai),  ayaa 1998-kii waxay aqoonbaaris ku samaysay hiddaha ka dhexeeya geel rumeedka iyo geel u'ekuha iyo abnaq inay wadaagaan. Koox ay hoggaaminaysey Dr. Lulu Skidmore, oo aqoon baare ka ah xarunta una dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa ku guulaystey markii u horraysey inay soo saaraan ilma ku dhashay bacrimin gacmeed (Artificial insemination) oo ay dhaleen qaalin Llama ah iyo rati hal kurusle ah. 14-Jannaayo 1998-kii oo ilmahani dhashay waxay ugu wan-qaleen Cama (Camel + Llama). Nasiib darro wuxu noqday ma dhalays. Inkasta oo ay jiraan iskudeeyo kale oo la sameeyey, oo waliba Laako ila afar gaarayaa dhasheen, lana rumaysanyahay  in durriyad tarmi kartaa ka dhalan karto xayawaanadan malyanada sano kala fogaadey. Haddana, Dr.Lulu waxay ku doodeysaa in badhax (hybrid) kasta oo ka dhex abuurma labadan nooc ee kala fog uu nqon doono sida baqasha (fardaha + dameeraha) mid aan tarmi karin.

Marka la eego tirkoobyada FAO, in kabadan 19 malyan oo geel ah ayaa dunida ku nool. 15 malyan oo ka mid ah waxa laga helaa Afrika, halka 4 malyan laga helo Aasiya. 17 malyan ka mid ah waa hal kurusle, 2 malyana waa laba kurusle. Qiyaastii, 11 malyan ooh al kuruslaha ka mid ah waxay joogaan dalalka Soomaaliya, Sudaanm Itoobiya iyo Keenya.

Geela Soomaaliya waxa lagu qiyaasaa 6 malyan oo halaad. Waa dalka ugu geela badan dunida. Waxa kusoo xiga Suudaan oo leh 4 malyan oo halaad. (FAOSTAT,2013). Sida uu ku sheegay Ururka Carbeed ee Horumarinta Beeraha (Arab Organization for Agricultural Development ), dhammaadkii 2008-dii, warbixin ku saabsanayd geela carabta, Soomaaliya waxay ahayd dawlada keli ah ee geeleeda hoos u dhacu ku yimi. Dhammaan dalalka kale kor ayey u kacday tirade geeloodu.


Geela Soomaalidu waa hal jaad oo hal kurusle ah walow aysan jirin baaritaan dheeri ah oo lagu sameeyey. Celcelis ahaan culayska hasha weyni waa 575kg, awrka (ratiga) weyna waa 650kg.


No comments:

Post a Comment