Badaha maansada afka soomaaligu waa
kuwo aad u fac weyn badankoodu, ayna adagtahay in la ogaado abuurkoodii iyo
xilliyadii ay bisheen, waxaa kaloo aan la ogaan Karin sidii ay u kala horreyeen
kuwooda faca weyni, waxase jira waxyaaba aas-aas u ah dhismaha meeris ee maansa
walbi ay leedahay, kuwaas oo aanu la'aanteed noqonayn maanso ama wax ka si
noqonayaan, hadaba sidii ay soomaalidii hore ee dhidibada u aasay ku dhiseen ,
kuwii dambena ku xifdiyeen, culuunta cusub ee afka soomaaliguna sugtay, waxa
meeris maanso ka dhismaa laba qaybood oo kala ah:
1.xaraf raac oo loo yaqaan
(qaafiyad)
Labadan qaybood ee meerisku ka dhismo
baduhu waa ay ku kala duwan yihiin jaad kastase waa u asaasi oo lagama waayi
karo, tusaala ahaan hadii qaafiyadu ka lunto maansada waxa la dhehaa deel qaaf
ayaa ku jira, hadii miisaanku ka lumana waxa la dhehaa laaxin ayaa ku jira.
Hadaba inagoo taa ka dhaqaaqeyna aan
is weydiino jacbur waa maxay? Maansase ma yahay?
Waxa la og yahay in aabaha jacburku yahay abwaan Cabdullahi
Macallin Dhoodaan, oo ahaa ninkii abuuray kunasoo daray suugaanta la tiriyo,
hadaan u fiirsanan waxan arkaynaa in jacburku maansada kaga duwan yahay laba
wax yaalood oo kala ah:
1. xaraf raaca ama qaafiyada oo lunta
2. miisaanka oo la ilaaliyo[i],
3. ujeedada oo si khaldan loo muujiyo[ii].
(ogow ujeedadu ma ahayn asaas uu meeriska maanso ku dhisan yahay)
Hadii saddexdaa laga helo waxa laysku
raacsanyahy inuu meeriskaasi jacbur noqonaayo, tusaale aan usoo qaadano qaar ka
mid ah jacburadii abwaan Dhoodaan:
Ninkii dumar jeclaadaase wuu
yara ammaantaaye
Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxulo meygaage
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne
Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne
Adna waxaaban kuu soo fekeray hadallo dhaadheere
Midabka iyo quruxdaadan ayaan yarahe faalleyne
Gabadhyahay casaantaadu waa dhuxulo meygaage
Afkaagana madowgiisu waa nuuraddoo kale e
Sidaa aawadeed baan jacayl kuugu soo kacaye
Guurna waaban kaa doonaya sidaa dharraatiiye
Timahaygu siday yihiin eed cirrada moodo
Duqdnimiyo gabow igama aha oo wayska dhalankaye
Adiguna carruurbaad tihiyo sida dhallaankiiye
Isku qayrna waa nahay anuun baa laba Gu! kaa weeyne
Sanadkii Daraawiishtii baan dhoocillo ahayne
Si aan sifiican ugu fahano aan soo
qaadano halka meeris ee ah:
Gabadhyahay casaantaadu waa
dhuxulo meygaage
Marka hore waxa noo muuqanaya
qaafiyada meeriska oo jaban, waxayna ka jaban tahay hooriska (dhuxulo meygaage) oo la rabey in laga helo
xarafka (G) sida ka muuqata hojiska (Gabadhyahay casaantaadu waa) , waxa kale oo muuqata in
miisaanka meerisku saxan yahay uuna
le egyahay kan gabayga, waxa intaasi dheer in
ujeedada si kale loo muujiyey oo ka hor imanaysaa waxa loo socdo, waxa la rabey
gabadha in lagu sheego casaan waxana lagu meteley dhuxul meygaag ( aad u madow)
, saas darted meeriskan wuxu buuxiyey shuruudihii jacburka .
Su'aashuse waxay tahay hadaan maansa
naqaan, jacburna baranay wuxu yahay ma oran karnaa jacburku waa bad cusub oo
maansada kusoo biirtay mise maaha?
Waxa cad in jacburku uusan maansa
ahayn maadaama uusan shuruudeedii buuxin uusana la jaanqaadi Karin, dabcanse
waa suugaan.
Sidoo kale waayadan dambe waxa soo baxay tixa
cusub oo inta la curiyo iyagoon qaafiyada iyo miisaanka midna wax laga khaldin
ujeedada uun la marin habaabiyo laguna sheego jacbur, mase aha wax saxa, waayo waxan
soo baranay in jacburka lagu tiriyo miisaanka jaadka maanso ee aad u
baahantahay iyadoo sax ah aadse qaafiyada jebinaysid ujeedadana habaabinaysid
saas uu maansa kaga baxayo jacburna kula baxayo.
Hase yeeshee, hadii qaafiyada iyo
miisaanku ilaashan yihiin ma noqon karo jacbur ee wuxu noqon bad ka midah
badaha maansada ee la yaqaan (waa tan uu la miisaanka yahay) haduu rabo ujeedku
haba foororee, waayo ujeedadu kama mid ahayn wax yaabihii uu meeriska maanso ku
dhisnaa.
Tusaale aan usoo qaadnao meerisya uu leeyahay abwaan Maxamed cismaan Budin:
Wuxu yiri marooraay
Mucjisada adduunkaay
Maraq iyo cambuulaay
Miciyaha dugaagaay
Lax maqaaxi shidataay
Adna hees i maqashii
Walow uu abwaanku jacburo badan
leeyahay oo iyagu buuxiyey kaalinta jacbur, balse kani jacbur ma aha ee waa
lagula khaldamay, waa hees buuxisey shuruudii maanso ( qaafiyad iyo miisaan)
waayo muhiim inooma aha ujeedadu maxay ahayd sideese loo muujiyey.
Halkan oo kale markaan joogno waxan
oran karaa waa maanso loogu tala galay in gabadha loogu jebaan jebiyo , hadaba jebaan jebini waa
maxay?
Waa tilmaan la rabo in la asturo
loona muujiyo si kale oo wax laga dheehan karo, tusaala ahaan, Cabdi oo ah nin aad
u madow ayaa asxaabtiisa la ayniga ahi ugu yeeraan Cabdi Cadde, markaas la oran
jirey ma caddee waa jebaanjebin.
Hadaba tan ma waynaan oran Karin gabadhan
ma ammaanine waa jebaan jebin, inagoo aan jacburba meesha keenin waayo waa
maanso aas-aaskeedu dhamays tiran yahay balse ujeedka sidii loo muujin lahaa la
gediyey.
W/Q : Axmed Siciid Maxamuud
[i] Halkan waxa inoogasoo
baxaysa in jacburku uusan miisaanka gabayga keli ah lahayn balse miisaanla bad
maanso oo jirtaba lagu dhisi karo
[ii] Taas waa tan abwaan
Dhoodaan ku dhisay jacburkiisa dadkuna la qaateen , waxanse is leeyahay muhiim
ma aha qodobkani
No comments:
Post a Comment