Dabuub gabay ma doonayn inaan kuu daleeyee
Waxan daayey hadaloo geeraar dantii dhigay
Markii aan ku daaloo ku dadaaley dhawr jeer
Inaad ila dareentaan dambiyada dhacaayoo
Damiir yeelataanoo dib usoo istaagtaan
Asaan waayey duul garan waxan uga danleeyahay
Door biday midaasoo iska daayey oo dhigay
Mase daaimaayoo waa xaalka dunidee
Waxan ahay dar xumo iyo nin diihaal ka muuqdoo
Daqarra ay ku yaaliin maduxuna dllluun yahay
Nin dalkiisu weyn yahay oo weliba dihin yahay
Gaajana la daadumi oo diriqsan baan ahay
Nin xoolaha dareershoo aroortiina daba gala
Gaajana la daadumi oo diriqsan baan ahay
Nin badweyn duljoogoo aan mallayga daban Karin
Gaajana la daadumi oo diriqsan baan ahay
Dooxooyin waaweyn oo webiyaal durdurayaan
Nin intuu agdego aan beer daayac tiri Karin
Gaajana la daadumi oo diriqsan baan ahay
Ninkii qaranka diidoo qabiil doortay baan ahay
Ninkii nabadda daadshoo dagaal huriyey baan ahay
Kii dalkiisa nacayoo dibad aadey baan ahay
Nin dalkiisu weyn yahay oo dad la’aan yahaan ahay
Dabuub aan xasuustiyo dood horaase wexey tiri
Illeen doqoni calaf maleh dubaax maxaa ka baylahay
Inkastaan dad jira nahay mageceenu doorsoon
Inkastaan dal leenahay dad kalaan ag joonaa
Waa wada dibboodnoo daleel beynu jiifnaa
Kuwii dooxa nagu ridey ee naga dumiyey qarankii
Rabbigay ha doorshee darxumey ka taliyeen
Intey nagu dur-duriyeen bey sharafteeni duugeen
Dab intey nasaareen bey bohol nagu dunsheeeney
Sidaan duunya nahaybuu ninba toban dareersaday
Dawladnimo halkeedii qabiilbey ku doodaan
Doqoniino iyo ceeb darxumaa nahaysee
War maad ila dareentaan danta maad ka talisaan
Qabiil mayla diidaan qaran mayla doontaan
Weligiin nin daacada baa doqonima ku sheegtaan
Danta guud nin sheegaad waa nadiley tiraahdaan
Kii idiin degaayaad damiir laawe moodaan
Danse kama gelaayee hay dudo ninkii raba
Darxumada nahaysaa danqasha igu beertaye
Daalaadhaciinaa doodaan igeliyeye
Dumintiyo burburintiyo maydaan dhac deynayn
Doodiyo xumaatada maydaan ka daalayn
Dalkeenaa burburayoo daayacan bal fiirsada
Dadkeenaa go’aayee daya sow ma aragtaan
Kuman qoys ayaa dumey oo aan dib loo arag
Dumarkiyo caruurtii meydaan danaynayn
Dullaad qaatibteenoo dantiinaad illowdeen
Hora maw dareertaan dhigiin maad ku dayataan
Danqashiyo xanuun iyo dhiidhi maad dareentaan
Dalka maysu taagtaan maa dad jooga noqotaan
Daanyeerka kayntiyo duurjoog sideedii
Maxaa hooy madaga iyo naga dhigay daleel jiif
Cadowgeen darkaan naal buu ku diirsanaayaa
Duniduna sidaan nahay ayeey daawanaysaa
Doqoniino iyo ceeb darxumaa nahaysee
War maad ila dareentaan danta maad ka talisaan
Qabiil mayla diidaan qaran mayla doontaan
Inkastoo dagaal dhaco ama dad isku baaba’o
Diniduba ma moogee dibbaa loo heshiiyaa
Taariikhdu waa duug iyo dabarsanaan go’in
Dadku waa ilaashaa darsaa laga minguurshaa
Daad xoor ma noqotee waa la daalacdaayoo
Daanooyinkii dhacaa dawadood la raadshaa
Idinkuse dagaal iyo wixii dirir lasoo maray
Dib u eegi waydoo daad baad dhex jiiftaan
Toltol baad ku daganteen qabiil baad danmoodeen
Dawakh baydin helayoo maskaxdaydin doorsoon
Dabayl baydin aragteen daruur baw malayseen
Dhalanteed durdurayaad roob da’aya moodeen
War maxaydin daayacay dib mawsoo istaagtaan
Doqoniino iyo ceeb darxumaydin haysee
War maad ila dareentaad danta maad ka talisaan
Qabiil mayla diidaan qaran mayla doontaan
No comments:
Post a Comment