Thursday, 12 December 2013

IGALA QIIL ROONE


Gabaygan IGALA QIIL ROONE wuxu qayb ka yahay silsilad sugaaneeda la magac baxday QURBA JOOG & QOL QOL JOOG  waana tixda 21ad ee silsiladaas oo ay ku doodayen labada qolo ee kala wata magaca silsilada, gabaygu wuxu soo baxay 11/12/2013, wuxuna yidhi:

1. Xasanow hadii qaadirkay qiimi kula doono
2. Oo qaafiyad inaa tiriso uu kuu qaddaro Eebbe
3. Adigoon dhankale qabanninoon qararna aan jeexin
4. Qarankaaga inad toosisaa loo qasdaa abide
5. Qoomkaagu suu yahayna wa laga qisoodaaye
6. Anna maanta qaybaan wadaa aanan qarinayne
7. Qalbigaygu tuu gocanayaan soo qaddimayaaye
8. Iga qabo rag badan tey qoreen igala qiil roone

9. Qahar iyo dhibaatiyo qaxiyo loolan iyo qaylo
10. Qaran dumis qasaariyo dhibiyo qiimi li’ keenay
11. Isqalloocin anigaa qatara qolana kaa roona
12. Waa waxa tolkeen qaayiboo qoomka haaligeye
13. Qofna kama baadbaadine dhammaan waa qarribanteene
14. Inaan saa u wada qaadanoo qirano saan yeellay
15. Inaad qola dul saartaan aniga igala qiil roone

16. Afartaa intaan qaaf ka deyey meel ma qabadsiiyey
17. Qal qallooc ma fiicnee murtida qiimi ma u yeellay
18. Cidla lagama qayshee dhabtoo quruxle maw sheegay
19. Afarkalena taan qoonsadiyo qodob abwaaneed dheh
20. Qol qol jog dadaalkey gashiyo midan qarsoonayn dheh
21. Qurba jog habowgii ku dhacay qaabad xumidii dheh

22. Dalkiisii ninkii qabatinoo qaranki raad raacay
23. Qaxootiga ninkii diideyee qaatay magiciisa
24. Qol qolkiisa kii jiifsadee qadayey goor dheerna
25. Midka quudka raadsadey aniga igala qiil roone

26. Inkastoo dadkeenu isqabsaday ama is qoor gooyey
27. Qarankiina uu naga bur buray oo arligu qiiqay
28. Ninkii yidhi waxbaan qabanayaa anigu qaybtayda
29. Ee ubadka qalinkow dhigee barayey qaamuuska
30. Caydh qaatahaa aan wax qaban igala qiil roone

31. Ninkii qadow la joogee sibraar quruxsan maalaayey
32. Gaawaha ninkii qaatayee godinta qaabaystay
33. Geeliisa kii maalin qudha qubay karuurkiisa
34. Ee yidhi qurbaan aadayaa igala qiil roone

35. Afartaa intaan qaaf ka deyey meel ma qabadsiiyey
36. Qal qallooc ma fiicnee murtida qiimi ma u yeellay
37. Cidla lagama qayshee dhabtoo quruxle maw sheegay
38. Afarkalena waa qayla dhaan idin qusayneysa

39. Dadku idinma qaadicin dalkuna wa idin qaadaaye
40. Idinkana waxbaa idin qabsaday sida qiraysaane
41. Dhaqankiina qaar baad nacdeen waad qayiranteene
42. Qolqolkiina kaalaya marnaba kuma qadeysaane

2 comments:

  1. Waaah waaah. IGALA QIIL ROON.. Gabay noociisa oo kale uu yar yahay weeye Axmed Siciid waad ku fara-yaraysatay...Alle caqliga iyo Cilmiga hakuu daayo wll .

    ReplyDelete
    Replies
    1. thanks,,, Hassan Abiib waad ku mahadsantahy inaad blogayga soo booqatay...

      Delete