Tuesday, 28 January 2014

Beled muxuu sheegtay


Gabaygan ku astaysan BELED MUXUU SHEEGTAY wuxu qayb ka yahay silsilad suugaaneda  la magac baxday BELED IYO BAADIYE ee uu iba furay  Cabdiraxiin H. Galayr waana maansada 12aad , waxay soo baxdy 29/01/2014

1.Adduunyada nasri beeshay iyo barakadii waa fog
2.Waayaha la wada buuqayee lays botorinaayo
3.Ninka beledka xaantaynayee bela ismoodaaya
4.Ee boqorka ii sheegtay baan baaci leeyahaye
5.Aan bayaansho maantoo kalaa baahi loo qabeye


6.Ninka aar bidhaansaday asaan haysan waran booda
7.Doqonnimo iney buuxisaan la igu beenayne
8.Bacaroor hadii aadan liqin suniyo baaruuda
9.Boqnihiyo hadii aadan go'in beerka dhiniciisa
10.Sida bilista xaawaley hadaan ba'aydu kaa yeerin
11.Ba'daan mariyo beydkaan tirshiyo hadalka aan beego
12.Anaa been ka sheegoo cabdow waa bar kuma taale

13.Afartaa bilawgii tixdiyo baaqan soo diray dheh
14.Baxar gabayahaan maaganahy bililiciisii dheh
15.Afar kalena midan loo baqayn runiyo baaceed dheh

17. Basar xumi dhammaad aan lahayn beenta lagu faano
18.Xiqdi buuran oo lays xasdiyo xaalad iyo buuq leh
19.Bakhaylnim xad dhaafiyo intaa bela la sheegaayo
20.Dhaqan burin bannaan loo baxoo diinta laga bayro
21.Benderkiyo waxaa lagu ogaa baha magaaloode
22.Waa yaab barkiisee tolow beled muxuu sheegtay??

23.Gu' barwaaqa soorana dhulkoo badiba doogoobey
24.Geeloo bankaa waran adoo bohol cas moodaaya
25.Oo baarqabkii loo shakalay bidix ka reemaayo
26.Barbaartoo cayaar tuman dadkuna sacabka boodaayo
27.hablaa bilicsanee diinta aan baal ka mari haynin
28. Intaa baadiyaa loo ogyee beled muxuu sheegtay??

29.Afartaa halkaan beegay iyo barasha koowaad dheh
30.Bundukh aan la dhacay beledka iyo dabiyo baaruud dheh
31.Afarkalena tookh baadiyiyo baabka ii haray dheh

32.Baabuur hadaad sheegatoo beledka ay joogto
33.Diyaaradaha buubiyo hadaad bira ku faaneyso
34.Gaadiidya badan baan lahaa beeni raad ma lehe
35.Gurgurshaaga baydiyo u weyn kuruska baarkiisa
36.Oon looga biqin inu banjareey beeshu rarataaye
37.Baxdow farasa baan fuuli jirey geenya loo bogeye
38.Cidla lama bakhleeyee tolow beled muxuu sheegtay??

39.Ninkaan xoola badan haysan baa baahi qaayiba e
40.Beer iyo sabuul kuu baxaa lagu bogsoodaaye
41.Baarixi adaa quuta iyo baraxa caanoode
42.Miyaad beretan ila geli kartaa baarqabaan ahaye.

No comments:

Post a Comment