Saturday, 18 January 2014

Hal-abuurnimo ma hiddaa ?!!

Maqal. ma jeclaan lahayd inaad gabaydo? Mase ogtahay inaan abwaanimada loo dhalan uun ee la samayn karo? waxba hala yaabin ma jiro waxaan qofka aadamiga ahi qaban karin hadii uu niyad fiican la yimaado, wey jirtaa oo weynu aragnaa dad hibo gaarah u leh gabyaanimada, hase yeeshee waxaa been ah inaan qofkii rabaa aanu noqon karin abwaan. waxaad iska raarridaa inaad wixii qof samayn karaba aad adiguna samayn karto. waatahay, aniga ayaa kuugu macallin noqonaya sida loo gabyo  ama loo heeso, hase ahaatee anigu af soomaali ku bari maayo, waxaana kuu dhigayaa habka loo gabyo iyo shuruucda la doonayo inaad fuliso.




Ereyadaas ayuu abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Eebbe naxariitii janno haka waraabiyee ku fur furtay qorallo taxane ahaa oo uu ku faafin jirey wargeyskii Xiddigta October mudadii u dhaxaysey 17/01/1976  ilaa 29/05/1976 , kuwaasoo uu kaga hadli jirey qaab dhismeedka meeriska maanso ee afka soomaaliga, waana tan waaydan dambe lagu asteeyey "Miisaanka maansada" , sida ka muuqata wuxu abwaanku ku doodayaa in ay suurta gal tahay in qofku baran karo curinta qaybaha maansada ee kala duwan, walow uu waayadii dambe ka laabtay aragtidaas.
In badan oo bulshada ka mid ah ayaa aaminsan in hal-abuurnimadu hidda raac lakala dhaxlo ay tahay, balse aan isweydiinee ma jirtaa taasi oo ma runbaa mise waa mala awaal iyo ismoodsiis?
War celinta weydiintan kor ku xusan waxay u baahantahay caddaymo cilmiyaysan oo la adeegsado si loo ogaado dhabta, waana tan qormadani si kooban u dul marayso ee ka bogasha wacan.
Innagoo adeegsanayna aqoonta hiddaha (Genetics)   waxa inta badan aqoon baaris ay Culimada aqoontan ku xeel dheer  sameeyeen  caddeeyeen  in aaney jirin tilmaan hidde (Genetic character) oo liidadka hidda sidayaasha (Genes) ee dulsaaran hidda sidaha (DNA)-ga oo masuul ka ah tilmaanta hal-abuurnimada, taasoo macneheedu yahay in aaney jiri Karin tilmaan hal-abuurnimo oo hidde ahaan uu waalidku ilmihiisa u gudbin karo.
Hadaba, hadii aaney hal-abuurnimo hidde ahayn maxay tahay? Ma wax la baran karaa? Maxaa keenay in qofka aabbihii, hooyadii, awoowgii ama cidkale oo ka midah eheladiisu ay gabaydo inuu aalaaba isna gabyo?
Waa weydiimo meesha ku jira, una baahan in laga fiirsado marka warcelin dhab ku qotonta la bixinayo, hadaad u fiirsatid hal-abuurnimada waxa saameeya qodoba dhawra, waxase ugu doorroon (ugu muhiimsan) labadan hoos ku xusan:
1.saamaynta degaanka (environmental impact):
Qofka ku barbaaran degaan aad looga daneeyo suugaanta, la dhaqmay dad maansayahanna ah , waxan shaki ku jirin in uu ku saamoobayo, uusana la mid noqon Karin kan aan intaas midna arkin kana fogaa degaan suugaaneedka, wayna u dhodahay inuu suugaanyahan noqdo kadib markuu barto qaybaha suugaanta iyo qaababka loo tiriyo, waxbadana uu xifdiyo, kan aabbihii, awoowihii ama cidkaloo ehelkiisa ka mid ahi maansootaana waa ka jaanis dhowyahay kan aan ehelkiis maansoon degaankase kula noolaa,  tani waa tan keentay in la moodo maansayahannimadu inayba hidda lakala dhaxlo tahay.
2.Hiba Eebbe ama mawhibo (Talent):
Aadanuhu wuxu ku kala duwanyahay hibooyin badanoo ilaahay baxsho, qofba meel ayaa u fudud oo Eebbe u hibeeyey, mase aha wax lagu dhashaa waa xirfad ama xaal kale oo la barto , sidaas ayeey hal-abuurnimadu uga mid tahay hibooyinkaa Eebba weyne dadka ukala fududeeyey, inta mawhibada hal-abuurnimo kugu weyn tahay ayaad kusoo baxaysaa hilaad fogna ku gaari karaysaa, tanina waa tan keentay labada maansayahanku wada dhalay inay ku kala duwanaadaan tirinta maanso inkastoo ay xeerkeeda yaqaaniin labaduba.
Hadaba, waxan kusoo koobi karnaa warcelinta waydiinta astada (cinwaanka) qormada , in aaney jirin hidda maanso oo laka dhaxlo, balse ay jirto barasho xeel dheer oo la barto , taasoo aan ahayn tan Gaarriye ee aan qormada iba furkeeda kusoo aragnay, oo aan ula jeedo barasho qalin loo qaato deedna miisaanka iyo tirade alan (shaqal) ee  qaybaha maanso la xifdiyo, balse u baahan dhex gal xooggan, xifdin ballaaran iyo barasha aan qalin u baahnaynoo la barto suugaanta, intaasi waxa dheer hiba Eebbe inay ku gacan qabato oo ay tirintu kuu sahlanaato intaad rabtidba tallaabsoo, hadii kale waxad noqon gabay dhaadhi oo kii la tiriyey ayaad ku celcelinoo goobaha laga hadlayana hadalkaaga ku macaansanaysaa. 

1 comment:

  1. Heer sare waa Qormo aad u qiimo badan wll Axmed Saciiid Guulayso wll hore na u soco

    ReplyDelete