Waxaan ahay ruux bestiisa
Riddada caashaqu haleeshay
Sidii waranka ugu roortay
Rigaaxdoon rubadda beelin
Waxaan ahay ruux agjooga
Jacaylkiyo rabadintiisa
Rafaadkiisiyo dhibtiisa
Rakaata sidii xareeda
Sidii aarna ula reema
Jacaylku intuu I raafay
Anoon raad gurin I riiqay
Sidii aan rara gubyoodey
Intaan raaroosh ahaaday
Qalbiga raandhiis ka yeeley
Waxaad raad qaaday laabta
Dareenkaa kuu riyaaqay
Naftaad rabitaan ku beertay
Xasuus badan baygu reebtay
Rukuucdaydiyo salaadda
Markaan rabbigay baryaayo
Amaan tuugaayo roone
Waxaan raacshaa warkayga
Inaan reer kula yagleelo
Rafiiq aan kula ahaado
Markii falanqaynta reerka
Raggiyo qoyskiyo haweenka
La raad raacaayo guurka
nin wali uu meel la raaro
Adaa Maankayga roga oo
Xasuusta adaa la reera
Cufkiyo reeryadan I saaran
Culays ka jacaylku reebay
Runtii la dhaqaaqa waayee
Miyaadan Iga rogaynin
Risaalaan kuu wadaaye
Mar yuu caashaqu rajoobin
Rabooshnimada ka dhawr bal
Ragaas yuu noqone daaaji
Riddaami dhankaa ka riix ad
Rajada aan qabo ha baajin
Si uu riig baxa u gaaro
Rasiinnima uu u qaato
Illeen waa raasumaale
Ka roon xoolaad rasayso
Ha raagee ramo jacaylka
Axmad Siciid Maxamuud
No comments:
Post a Comment