- Gabaygan waxan tiriyey bilawgii sanadii 2010kii , waa is xasuusin, waano iyo wax sheeg , waxan tiriey ka dib markii C/laahi Cawil Siciid oo aani ilma abti nahay igalasoo hadlay magaalada Qardho anoo jooga Bossaso iguna yiri: "Maanta maxaad ka haysaa gabayadaadii kuwii wax sheega iyo wacdiga ahaa, meel ayaan barnaamij ku leeyahay maxaad iisii dhiibaysaa" marka ayaan kan u tiriyey.
Markii uu arrimay Eebbahay aadan inu uumo
Ee uu addunka uga dhigo ehel ku maamuusan
Arrin buu u diray iyo inuu Eebbe caabudo e
Irsiq kama dalbayn iyo inuu oon ku caawiyo e
Isagaa awoodaa lehoo uuma kuu rabo
Isagaa arliga kala wadoo cidu itaal roone
Isagaa adduunkoo dhamiba ka arrin qaataaye
Adoomuhu markey caasiyeen amarki uu siiyey
Axdigiina ay kaga bexeen Aadan laga qaaday
Erga badan ayuu soo dirsaday oo amarka gaarsiiya
Isxaaq iyo Ayuub iyo Idriis ama Ismaaciilba
Ibraahiim durriyadiisi iyo kuwuu Eebbe wada doortay
Ambiyada midkii lagu khatimay ee aakhir laga yeelay
dhamaan uumiyaha waxay amreen Eebbe caabuda e
Intaasoo farriiniyo adoo aayad lagu siiyey
Inaad dhega adaygtood canaad amar ku taaglayso
Waa aafa weynoo adey iimo kuu tahaye
Nin kufriga ilaah aaminoo diidey amarkiisa
Arkaantii islaankiyo ninkii jebiyey aayaadka
ee aan ehel salaadeed ahayn miigey aakhiro e
Afka jahannamiyo saqara aamin waw noqone
Sujuuduu adduunkii anfiyey iilo ways orane
Adhaxdiyo lafaha dhabarku markaa waa ankirayaane
Ayaamuhuu adduunkii dayacay aahey waw orane
Intaasoo ummuuriyo dhibaba wa is arkaayaane
Ashqaraarana waw dhimanaya klii u fiirsada e
Inta aadan ehelkiisa noqon ka ififaalayso
Saturday, 31 August 2013
Eebbe caabuda
labels:
Maansooyin
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment