Gabaygan waxan tiriyey ka dib
markii ay dhaceen kacdoonadii barakaysnaa ee ka dhacay dalalka carabta
qaarkood sanadii 2011kii , markii la arkay dadkii dulmigaa ku noolaa
mudada dheer , shucuubtii la dullaystey ee sharaftoodii la dhacay , oo
aan la malaynayn inay si fudud isaga dul qaadi doonaan kuwan haysta,
iyagoo ka gil gishey wixii ku fadhiyey, kana xoroobey wakhti kooban, oo
xataa iyagu aaney filayn, ayaan is iri malaha dhibta soomaaliya
haysataana saas uunbey maruun isaga dhamaan oo waa laga baxayaa , ilaah
baana ferej khayr furaya, markaas ayaan tiriyey gabaygan SAADAAL ee hoos
ku qoran:
Indhowaydba waataanan sugin sawdka maansada e
Mar horaan ka saahidey inaan sadarasha sheegaaye
Sifaalaha aduunyada ka jira saaka balaan eegno
Oo maantey samataye balaan surinka qaadsiiyo
Saxansaxa udgoon baan urshoo saaqday gebigaye
Saylaan da'aayiyo waxaa ii sawiran roobe
Sanqarahan dhacaayaan rabaa inaan sifeeyaaye
Oo soomaali baan doonayaa inan usaafaaye
Farxad iyo suruur baan wadaa subaxa maantaaya
Daa iradu soo meertay oo siiri baa dhacaye
Sunnadii ilaah baa timoo waa sidaan rabaye
Ummadii sabaan iyo sabaan silica loo geystey
Ummadii la seejee mar qura samaha loo diidey
Ummadii waxay sax u lahayd loo sallimay tuugta
Ummadii la seegseegay ee saabir laga yeelay
Ummadii hadey sama dalbaan amase saanyooto
Ummadii sujuuntiyo dilkaba laga sinaysiiyey
Ummadii inay sarakacaan ama sinnaan doonto
Ummadii la seejee xumaha looga dhigay saadka
Wakaa maanta sey damacsanayd saatirkuu qumaye
Wixii saatan noo galay cidluu maanta suluglayne
Wakaa saaxirkii naga tagyoo xididka loo siibye
Waxaan saadinaayaa inay sama ku waaraane
Oo soomaali baan eegayaa waxay sameeyaane
Inkastoon sabaan soo marniyo seben colaadeede
Inkastoon salleelowney oon saamax garan wayney
Inkastoo sinnaantii luntoo aan iskala soocnay
Inkastoo saqiir iyo kabiir xuma la saanyooday
Inkastoon sasnoo firirnay oo sacaba meel aadey
Inkasteynu saxariirnay oo samadu qiiqawday
Inkastoo saboolnima dhabiyo saab xun nagu yeeray
Inkastoo samaantii luntoo aan wax sixi weyney
War saadaashu waa fiicantahay waana sugayaaye
Oo saxalku waa guurayaa siina jiri mayo
Sarihii kismaayiyo ku yiil suuqi xamar weyne
Safka Buurhakabo Baydhabiyo sabadii Buurdhaabo
Hiiraan halkey saarantiyo sabarradii jawhar
Samii gaalkacyood soona jiif sanac wanaageeda
Salka bari ilaa lagu simaan laga sokaysiinin
Sool iyo sanaag iyo Burciyo surad gadaasheeda
Tan iyo saaxil seeraha Berbera Saylac gudeheeda
Soomaali oo idil intey soofka ku ekayso
Sokeeyiyi xigaalaynu nahay sebenka maantaaye

No comments:
Post a Comment