Saturday, 31 August 2013

Garwaaqsiin

Gablan tala aduunyooy mindhaa lagama guul gaaro
Gadgadoonka dunidaa mindhaa kaama go’o maalin
Xalay guriga waan diideyoo gabadanaan jiifey
Geyraha ayaa igu dhacoo gogol ma aan haysan
Goorey saqdii dhexe ahayd gole ayaan joogey
Oo meel gaarahaan garanayaa layga gacan haadshey
Garta waxan u kala qaadaya gebiga soomaali
Waxa saatan iigalayna waa gocashadiiniiye

Ummadyahay xalbaad goobasaan garanamaysaane
Xaajadu hadey geed gashey gari khadhaadhaato
Maantii geed fadhiisiga hadii guurti kala boodo
Gabay baa wax lagu qaybsan jirey amase geeraare
Ma gafee balaan soo gembiyo waxan la guuxaayo
Soomaali waa gama’san tahay goobey joogtaba e
Tubanaan gu’ bey hurinayeen guluf colaadeede
Ka gun gaari waayoo mar qura lays afgaran waaye
Guntin xiran ayaa muuqatood garab maraysaane
Intaan gabay u xeeshado bal maan idin garwaaqsiiyo

Inagoo gabbaad meele naal galaxna maaleyna
Oo awrku uu guuxayoo geela daba joogo
Hadii gaalo soo duushey oo layna kala goostay
Gurigiina ay naga degeen reerku gaballaaxey
Ilmadii hadey gobo’ tiroo aan gub tahanyooney
Inaan geenya heensaysanaa nala gudboonaatey
Geediga hadaan soo rarnoo gurisan doondoonay
Waxan geylan dirireed galnoo gaasas bixinaaba
Guyaal badan waxan dirirno oo aan gubtahan yoono
Hadaan geeney geedkaan rabnoo gaarney hadafkeeni
Hadaan goosankii raadinoo gacal walaalowney
Markii geela rimaydiisa aan gaar u wada soocnay
Hadaan gorofki soo culanay iyo haanti gocosowdey
Asaan godol ka waynuu dhamaan wada galoofoobey
Hadaan ciil la gawdiidsanoo gaaja la huleelnay
Gablamooyin baa meesha yimi waynan garanayne
Gol cidla ah ayeey nagu fureen meel gawaahiyae
Gun xor qaatayt bey naga dhigeen gacal ha waayeene
Waa nalaka gaagixiyeyeey ramagi guuxaayey
Garwaaqsada halkaasaa guntane garasha weyn yeesha

Gegidii habaasowdeyoo geedna qaban waaye
Hadaan garanay meeshuu galee reerku gabawaaro
Markaleeto soo guurney oo gooyney taladiiye
Gablamee hal go’ah baan arkaayaad ka gudubteene
Gurya sami hadeydaan ogayn sahanku uu goobey
Geediga maxawsoo rarteen waa gunnima weyne
Garwaaqsada halkaasaa guntane garsha weyn yeesha

Inkastoon dagaal soo galnoo geesiyaal luminay
Oo aan xornimo gaarney oo gaalki aan eriney
Maxaa qaranki gaasiriyey oo geeskale u leexshey
Oo maxaa qabiil gocashadiyo guluf colaad keenay
Isgargaarsigii aan rabniyo guri degii aaway
Ma gadaal ayaad doorateen inan usii guurno
Geyaankaa higsaa kaaga roon goob cidla ah jooge
Ma gun shaashle baan nahay maxaan taa lagaran weyney
Garwaaqsada halkaasaa guntane garsha weyn yeesha

Guyaal badan ayaad soo marten guul dariyo hooge
Weligiina kama guurasaan goob harraad badane
Hadba gees ayaad noo wadaan goor iyo ayaane
Gabbal daye maxaa idinka dhigay aan gar qabanaynin
Intaas oo garwaaqsiin ah oon goobta ka cadeeyey
Iyo kuman kaloo wada gedanah oo is garab yaala
Ayaa saatan noo galay hadaan garasha doonayno

Nin intaa gubtahan yoonayoo goor walbaba qaylin
Oon loo garaabayn waxbaba yuu gargaar heline
Oo uun wax garad raadinoo goobayaan ahaye
Gaar maw baxdaa iri intaad gabayadaan deyso
Mase gaabsan karayoo wax baan goobta ka arkaaye
Gurracnaanta idin haysatiyo geedi xumadiina
Gabayooxda aad yuururtaan guri la' aantiina
Gacal eriga geerida dhabta ah beela kala goynta
Dhaqan guur ayaa idin gediyey garana meysaane
Ceeb kama geyootaane waad wada gadoonteene
Gobanimo waxaad dhaafsateen waa gunimo weyne
Gargaar eebbeheen baan sugine gacantanow hoorsha
Geyigeena aan dhawrno yeeynan kala guurin
Gacmahays qabsada goor walababa kala go’ waa ceebe

curiye: Axmed siciid maxamuud 01/01/2012

3 comments: