Saturday, 31 August 2013

Toobad keen

Waxan gabaya soo tebiyo aan toban gu' heesaaba
Tiiraanyo waxan soo diraad taahay maqashaanba
Tusaalayn hadaad igu ogayd amase toos toosin
War waa toobad keen waxan rabaa inan tilmaamaamaaye
Oo waa eebbe tuug oo midani waa tu waajiba e

Eebbow adaa taam ah oo taliya oo wayne
Eebbow adaa tabar leh oo taa anaa hubae
Adigaa wax noo tari karaan toobad kuu celine
Eebbow na tabantaabi oo talada noo suubi

Eebbow markaan kala tagnee tacasub aan keeney
Ee aan iswada tooganee tii san garan wayney
Toltolkiyo qaraabada markaan toobiyaha moodney
Tabaaloonayey waa nakane taa hanagu eegan
Adigaa wax noo tari karaan toobad kuu celine
Eebbow na taban taabi oo talada noo suubi

Eebbow waxay noo tumeen tahan colaadeede
Tafaraaruq baa nagu dhacoo tiicyey garabkiiye
Tawfiiqda adigaa lehoo aan ku tebayaaye
Adigaa wax noo tari karaan toobad kuu celine
Eebbow nataban taabi oo talada noo suubi

Eebbow tubseeg baa naheley koox takfiiriyahe
Eebbow tacliin garan mayaan waqay tasoobaane
Eebbow tog bey nagu rideen naguna tuureene
Adigaa wax noo tari karaan toobad kuu celine
Tir tir Eebahayow kuwaa tala ha waayeene
Eebbow na taban taabi oo talada noo suubi
Eebbow tacadigaan geysaniyo toobad li i’deena
Eebbow tubtaan dhinac marniyo tala xumaanteena
Eebbow hanoo tirin adaan tuugmo kuu nahaye
Adigaa wax noo tari karaan toobad kuu celine
Eebbow natabantaabi oo talada noo suubi

Eebbow intii toosan een wax kala teedin
Intii nabad ku taamaysa  ee tabarna aan haynin
Intii dawladnimo taam ah iyo talasan doonaysa
Tabantaabi Eebbow adaan tuugmo kuu nahaye

2 comments:

  1. abwaan waad la hadashay ummadda soomaaliyeed adoo u tilmaamaya in la iscafiyo ilaahayna loo toobad keeno, ilaahay ha aqbalo ducadaas iyo toobadkeenkaas , aamiin inshallaah , adigana ilahay haku dhowro abwaan.

    ReplyDelete
  2. mahadsanid sxb Abdifatah Awaare

    ReplyDelete