Wednesday, 26 February 2014

Dhallinyaro

Gabaygan oo aan dhallin yarada kula hadlayey, wuxu ahaa bilawgii 2010 markii aan tiriyey, wuxuna leeyahay:
1.Niman yohow dharaar iyo dharaar dhaaxa iyo joogto
2.Dhegahayga hadallaa ku dhaca waana dhibayaane
3.Dhabta inan ka sheegaana waa midanan dhaafayne
4.Hadaad dhaqasha xoolaad rabtiyo dhegayarow geela
5.Dheel dheel kuma timaadiyo inaad dhereg la daacdaaye
6.Dhaxan jiifsi bey kaa rabtaa iyo inaad dhabar adaygtaaye
7.Nimaan dhididin dheef iyo ma cuno dharaq adduunyaade


8.Hadii aan u dhaadhaco dhabtiyo hadalka dhuuxiisa
9.Dalkan dhaawacmiyo dawladaan dhimatayee suushey
10.Dadkan diinta dheeg mari hayiyo dhaqankan iimoobey
11.Dhaxaltooya idinkow lehooy tahay dhulkiiniiye
12.Idinkayna idin dhawrayaan inad dhistaaniine
13.Dhallintii dalkiyo waxad tihiin udub dhexaadkiiye
14.Intaad dhaayihiinaa furtaan aragti dheer yeesha
15.Idhegeysta waxan sheegayiyo waa dhab sheekaduye

16.Dhambaal culus intaan kuu cuskaday muran ma dhaafsiiye
17.Dhabna hadalka maw kala dhig dhigay ma ahan dheel dheele
18.Midkalena hadaan erey ka dhehaan dhaafi kari waayey
19.Dhulkan aan ku noolnahay hadaan faalla dheer geliyey
20.Dhallintiisa aan wada arkoo dhabu ilaaleeyey
21.Waa dhuluu dadkiisii nacoo dhoof ka door bidaye
22.Waxa dheeman iyo luul ku jira kama dhergaayaane
23.Baddan dherersan waxa dheef ku jira waa la dheeg maraye

24.Masii dhaafin karo meeshanoo dhaawaxx baan ahaye
25.Dhawaqana ma deyn kari hayoo waa dhursugayaaye
26.Bal inaan mid dhiidhiya helaan dhawrayaa weliye

No comments:

Post a Comment