Gabayga tisqaad waxan curiyey 21/09/2012, waxana kaga qayb galay kulankkii ardada reer sudan ee kasoo qalin jebisey iskuulada jamciyada TADAMUN , wuxuna yiri:
1.Cabdiyow tilmaan gabay beryahan waanigaan tirine
2.Ma tusmaynin maansooyinkaan taabka ku lahaaye
3.Balaan tebiyo maantoo kalaa loo hal tiriyaaye
4.Dhammaantiin daliil toos ah baan idin tusaalayne
5.Bal intaad u taba fiirsataan waxan tilmaamaayo
6.Tix ka dheha halkey taagantahay maanta taladaydu
7.Afartaa tusaalayn abwaan ta' iyo wowgeed dheh
8.Anoo maansa teedka u dhigoo aan ka tegin meel dheh
9.Afar kalena taan doonayiyo tiixa sheekada dheh
10.Toolmoonayaalow korbaad wada tafaysaane
11.Waxad tiigsanaysaan dhammaan meel tigaad badane
12.Tubta noloshu tahay ee fog baad tacallimaysaane
13.Taakulo ilaah baa lehee ha idin taageero
14.Waxa lagu tanaadaa cilmoo lagu tisqaadaaye
15.Tartan dheer ayaa lagu jiraa toban kun oo baace
16.Nin tallaaba dheer iyo ninkey tabar yaraan hayso
17.Kii turun turroodiyo midkey taagtu ka idlaato
18.Nin walbaba halkey tiisu tahaa looga tegayaaye
19.Ku tashada ninkii laga tagaa talo ka joogtaaye
20.Afartaa tabtaydii horiyo tala wanaagii dheh
21.Anoo gabayga teedka u dhigoo aan ka tegin meel dheh
22.Afar kalena waa iga tix gelin amase taageero
23.Bah tadaamun iney heer tammilan talada gaarsiisey
24.Oo ay tisqaadeen wanaag laguna taageeray
25.In tusaale wacan ay tahoo laga tilmaan qaato
26.Tafaasiisha waa wada naqaan taa la qarin maayo
27.Wax la tiriyo kama aan tegine waxan kusoo teeday
28.Ninkii turuq ku faanaayahow taadi waa gudubtey
29.Kii qabiil ku taamaayahow yaaba kula tookhi
30.Waxtarkiyo aqoontaa arliga loo tartamayaaye
31.Ballanteenu waa inan tagnaa tiigsanaa horaye

No comments:
Post a Comment