Sunday, 25 May 2014

Hurre & Habboon ( curis) Q.2aad



                                                        Hindise: Axmed Siciid Maxamuud
Hurre wuxuu sii luudo isagoo dhanka Aarka soo eegaya, wuxuu gaarey geed xanan ah oo humbulan aadna u cufan, intuu dhinaca ka maray iskuna beegay ayuu labada kabood gacmaha ku qaatay oo cagaha wax ka deyey.

Mudda haduu sii maqiiqnaa meelna aanu deyin ayuu dib soo milicsaday, mise allaylehe meel fog ayuu Aarkii soo ordayaa isagoo hoos fiirinaya sankana raadkiisii la raacaya, wax kale uma furnee cagtooy i bixi iyo orod buu sii miciinsaday, inkastuu harraad iyo gaajaba dirqi la ahaa hadana lagaga weynaaye markey Aar libaax kulmeen ayaa ugu danbaysey, wuxuu sii ordaba goorey gabbal gaabad tahay ayuu kasoo dhex dhacay kadima geelal ah oo quban, bar baartii la joogtana dhinacyada kaga fooryeyso oo la meyracayo, kuwaas oo aanu soo gaareen maanta danbena hadii aan beladu soo eryan, waa ilahay mahaddii, mar hadaad cid heshay oo baabullihii iyo cidladiiba kasoo badbaadey ayuu uurka iska yiri.

Warbixin kooban oo deg deg ah  ayuu siiyey raggii geel jirta ahaa, war bahal baa iwada baadidoona waa ahaa ee bal isjira ayuu war ugusoo ururshey, iyana waxay u sheegeen in aagga hore oo dhan kadima fadhiyaan oo dhulku alliyo geel yahay, waxay kaloo siiyeen illaaf ah in geel baadiyi geelal foolkiisaa kusii beegan ku dhex jiro.

Horuu usii gudbey Hurre, waxyar haduu socdana wuxu helay geelal kale oo la carraabinayo, waa gallad Eebbee geeliisiina waa ka dhex helay isagoo nabad qaba, iyana sidii si la mid ah ayuu warbixintii siiyey, sidii la qiyaasayana Aarkii Hurre keenay habeenka galayaal badan buu silsilay, geel badana waa laayey walow aanu naf beni Aadan ku tegin.

Maantii koowaad Hurre geelii masoo kaxayne waa nastay, wuxuna iskala joogey geelashii, habeen labaadkiina waa la hoydey, maantaas oo dhan cirku waa cusbaa, harka galay markey ahayd ayaa cirka weyla yar yar oo daruura ah  iskusoo gureen , kuwaasoo cagidiiba daruura waa weyn isu bedeley, kaliisha iyo kulka qorraxduna wuxu ahaa heer sare oo aan la qiyaasi Karin, hoosiiska kala go' malahayn, qabowna waa laga deyaayey, casarkii ayaa dhoolal aad u biyeysan oo qurxooni meela badan kasoo muuqdeen dhanka Bariba haw badnaadeene, waa saansaan wanaagsan iyo bilowgii roobkii guga ayaa lays lahaa, yididiila fiicana waa jirtey, saq Dhexe marey tahay ayaa bilowgii bocorkii gu' dhanka bogox ka riigaamey, geel jirihii oo uu Hurre ugu horreeyana aftax mooyee erey kale waa laga waayey.
 Waxa la oddorosay halka hogoshu hayso, waa dalyaqaan iyo dad u carbisan hawlahane si fudud ayaa loo wada oddorosay oo laysugu raacay dhulka deellan ee caawa roobkaasi miray oo dhan, waxa sidoo kale muuqatey in roobku awood badnaa ma hiigaana ahaa, hillaaca indhaha kaa tuuraya ee aan tirade badnayn , mudda markuu maqnaadana mar dhacaya waxay ahayd tusaale cad oo muujinaya inaan roobkaas dabayli wadin ee uu deganyahay dhulkuu marana uu guud ahaan ku simay biyaha isagoo aan kob dhaaf iyo boodaalaysi  midna lahayn, waxaa nin walbi dhankiisa ka xasuusna murtidii ahayd: "saddex waa ku hoddaa: har barqeed, hogol xagaa iyo hillaac basari"

Habeenkaas waxa laysla meel dhigay inaan geelashu naqaas ka baaqan aroortana hora loo dareersho, maadaama la garanaya dhulka roobku helay, dhibic yari iyo liidasha kalena aan looga baqayn oo loo wada jeedey, nin walbana waxa u muuqatey xareeda uu roobku dhigay oo geeliisu ka durduurto, sidoo kale geela ayaaba roobka eeganayey habeenkaasna aan laga seexan, hoy iyo gaaci yeey dhicine ayuunbaa yeereysey, guud ahaan waa taagnaa geeluu hal fariisatayna ma lahayn, dunuunuca iyo ololkuna waa u dheeraa, aad buu u harraadnaa, hilow badana roobkuu u qabey, hal diraac joogtana waa ahaa, hogosha hoortayna halkiisuu uga jeedey, guul oomman oo garka ceelka la fariisiyana kama ood sokayn, nin walbana waxa kusoo dhibcayey meerisyadan gabayga ah:

Dunuunuca ka yeeraad cirkoo da'aya moodaaye
Doqon baa hurdo u muuqataa waa dul taagnahaye

Geelasha oo gelin danbe gaarey halka roobku helay ayaa kusoo dhex dhacay dhul dhan oo raxmadii Eebbe xalay maanshaysay, xareedu qoorehey jiiftey, jidhaamaha iyo saaxuhuna waa wir wirayeen oo afkaasey ka dhacayeen, geelal badan oo afarta beyni jiho ka yimi ayaa dareerayey, oo meesha waa laysugusoo galay, sahanku waa isdhaafayey oo kala go' ma lahayn, guryaha iyo jabadyadii hore ayaa lakala qabsanayey oo ninba mid ayuu laan yar oo qoyon saarayey, waana la garan karey in berritoba beeluhuna kusoo guurayaan.
Hurre wuxu meesha kula kulmay geelashoodii, geeliisii ayuu geelashii kasoo soocday oo koodii ku darsaday, wuxuse ka wel wel sanaa beelohoodii oo iyana wax soo  rara u baahnaa, raggii geela la joogey ayuu u sheegay inuu ciddii soo rarayo isagoo Barre oo ay ilma adeer ahaayeena kaxaystay, si wacan ayuu ulasii ballamay ragguu geela uga tegey oo barbaar da'yar u badnaa, oo waliba intuu guryana qabtay u sheegay inay  ilaaliyaan kuna simaan.

Hurre iyo Barre ciribbta ayeey ugu dhufteen, waa laba labaatan jir oo caana geel ku koray, qallafsanaanta nolosha baadiyana la qabsaday, socod wax uma aha, dheerayna laysuguma faanayn, waa lays garab socdey iyagoo qar-qarrootinaya, tallaabadana dheeraynaya, halka loo socdaa waa fog tahay, caawa in reerka la gaaraana waa lagama maarmaan, geeddigu berriba waa inuu guryaha ku furanyahay , wax la socdo, sheekooyin hore iyo tixa gabaya ah wax lagusii jid maraba caweysin danbe ayaa la gaarey halkii degsiimadu oollayd, guriga reer Guuleed oo Hurre aabihiis ah guryahana ugu ood sokeeyey ayaa lagusoo hor maray.

Reerku waa hurdaa, sanqar iyo dhaqdhaqaaq badani ma jirto oo aan ka ahayn jufta xoolaha xerada ku jira, cirku meela badan ayuu ka da'ayaa aadba haw fogaatee, hillaaca biligle ee dhinacyada durugsan ka iftiimaya ayaa oday Guuleed la socdey, wuxu ahaa ruuxa qura ee aan reerka ka hurdin, waxa wel-wel badan ku hayey guriga reerku yaal iyo raxmada Eebbe ee meela badan ka curatay, wuxu ka tashanayey halkii uu berri u sahan tegi lahaa, oddoroska roobabka da'ayana waa ku hawlanaa.
Asalamu calaykum, Nabad sheegte… ayaa yeertay, oday Guuleed oo dhinaca dhulka ku hayey asaan indhaha is gelin ayaa durbadiiba ka qaaday… wacalaykuma salaan, nabad baanu sheegnay, ayuu ugu war ceshey, isagoo aqalka kasoo baxaya , ishiisuna waxay ku dhacday Hurre iyo Barre oo ardaaga dhabarkiisa kasoo wareegaya, salaan kadib , weylaalis ayaa  lagu fidiyey ardaaga, oo si degan laysugu waraystay, waxana laysla go'aanshey in cidda lagu wargeliya geeddi guryahana la fur furo, sidiibaanalagu hawl galay.
Markii ooggu dillaacay ayaa awrta la dareershey xoolahana oodda laga qaaday, geeddi caana leh , Hurre iyo Barre waxay la dhaqaajeen awrtii rarnayd si ay xilli horeba guryaha u gaaraan, maadaama lala socdo in laysusoo guurayo guryahana lakala qabsanayo.
Walow maantaas degaankii roobku helay lasoo buux dhaafshey, garnaqa guryaha laysku qabsaday iyo reeraha laysku dulfurayna u badnaa, raga qaarkiina uun inay degaan ku qasbanaadeen oo halkii degel ahayd iska dhaafe abootadiina la qabsaday, haddana mahad Eebbe habeenkaas ayaa raxmadii  dhulka wada maanshaysay, taasoo reer walboo soo guuri lahaa rabadinkiisii ku baajisay, laba beri ka dibna dadku waxay lahaayeen: Alxamdu lilaah waakaas ilaahay inoo kala faayaaliyey.

Mudda kooban hadii la joogaba, raadka nimcada Eebbe waa soo muuqatay, dhulku wuxu ahaa barwaaqo, indhahaagu waxaan cagaar ahayn ma qabanayn, dooxooyinka ayaa duxida iyo ramaasku isqabsadeen, udgoonka rayska iyo ubaxa isbiirsaday ayaa meel walba la yaabayey, kadimo geelel ah ayaa kob walba ooddu u kala rognayd, dinnaagada baarqabka doobbinaya ayaa gees walba laga maqalaayey, sibraarada caanaha geela ee dhayda, dhanaanka iyo karuurkaba leh ayaa gale walba oollaa, qalaadka orgiga ayaa xera walba ka baxayey, guryaha ayaa ciirta la daadinayey, wegenna farda ah ayaa gees walba ku foofay, barbaartu waa xilligoodiiye cayaar dhaqameed ayaa habeenkii shaqadoodu ahayd.
Hurre oo geelii soo xera geshey, galahana laclacoodinaya ayaa maqlay jiibta iyo jaanta cayaar meel aan aadba uga fogeyn laga tumayo,waxa dhegihiisa kusoo dhacay:
Cawdu billooy belooy bayrey
Cawra daran ka yaasiin
Carrab dad bey cunsuri noqotee
Allahayow an nala cunineey
Oo caloosha nalageyneey

Dhegtuu usii dhigay suu wuxu maqlay:

Rabbigayow kufriyi maynoo
Kibir uga dhowaan meynee
Sacabkii baa kalkii galayeey

 gooruu yimi isma ogayne isagoo dhex taagan raarta sacabkana soo garwaaxsadey ayuu ka war helay, inamadii ayaa  cayaarta tumanaya racii gabdhaha ahaa ee ugu horreeyana hadey soo istaageen…
…la soco qaybta 3aad





  



No comments:

Post a Comment