1.
Samsameey Samiiraay hablaha waad u sidataaye
2.
Soomaali oo idil adaan kaa suntanayaaye
3.
Adigaan Siraadey tixdaan saaka kuu tirine
4. A daan kuu sidaa ereyo aan gaar u saanyadaye
5.
Sifahaaga guud iyo Ardaay sida laguu uumay
6.
Gaatan socodka laafyaha markaad sara u qaadayso
7.
Sida rarey tankii sida markaad socodka miisaanto
8.
Sahal kaaga hari waa ninkii saxu arkaayaaye
9. Anna waad i saaqdoo dhammooy waad i sidataaye
10.
Sombobkiyo waxaad igaga taal saabka feerah e
11.
Saqda Dhexe habeenkii adaan kula socdaaalaaye
12.
Salsalkii jacayl baa i helay sixana ii
diidye
13. Suuradaada goortaan arkaan sebenna jiifaaye
14.
Sawtkaaga goortaan maqlaan wada siyoobaaye
15.
Sumba lama ammaanee dhabeel suubban baad tahaye
16.
Allow sawjad yaa kaa dhigtoo soorta kula quuta
17.
Garabkaaga yaa seexda oo subax kasoo toosa
18.
Sebigaad dhashaa aabbe dheha saacad iyo leylba
No comments:
Post a Comment