Mansada higsigeeda
Habdhaca ereygeeda
Hoyaale hoyaale
Hoyaale wanaagsan
Markale hal-abuurku
Ha eego tixdayda
Bulshadu ha abbaarto
Hagaag ha u dhuuxdo
Waxaan ka hadlaayo
Halkaan u tilmaamo
Ninkaan hanti gaara
Wuxuu dhabu haysto
Hareer ula leexan
Ninkaan hab aqoonsi
Halqiga ka duwaaya
An gaar u helaynin
Hubaal jiri maayo
Dunida hodmi maayo
Horseed noqon maayo
Waxaa hada taagan
halkaa garab yaalla
Hanuunshe Afkaaga
Hadaadan ilaashan
Midkale hollintiisa
Hareer orodkiisu
Hal kuu tari mayso
Anuu hadri maayo
Hantaatici maayo
Huseeg gabyi maayo
Somaali hungowdey
Hul dheer ku dhacaysa
Ayaan hagayaaye
Caruurtan habawday
Qurbaha ku hallaysan
Kuwaan hilinkooda
Rugtooda hor jooga
Asaan hadalkooda
Hiddaha dhaqankooda
Hal aan ka kasaynin
Haleelka Afkooda
Hammuuntu u hayso
Hadaan la daryeelin
Barbaarin hagaagsan
Hadeer lala beegsan
Hadhow hanfariirka
Hareera u boodka
Halkee ka ilduufnay
Maxaa na halaajey
Haraanka dhexdeena
Hal aan tari doonin
Hadeerba ogaada
Anuu hade sheegay
Halkey ku danbaynba
Afeeftay horteeda
Rabbow ma higaadshey
Farriinta hagoogan
Hagaag ma u gaartey
Ahmed Saed Mohamud 23th,Aug, 2014
No comments:
Post a Comment