Saturday, 16 August 2014

Gobannimo


Anigiyo geddaydii

Gurdan caawa ii baxay

Goolaaftan maansa ah

Ila garan gareeyoo

Bal durbaan garaaciyo

Jaandheerta gawliyo

Guuxada inoo dhiga

Googgaa walaalow



Gobannimo maxay tahay?

Maxaad wali ka gurateen?

Gartu see u taalaa?

Galabtadan maxaa dhiman?



Aan wada gorfaynoo

Gaar gaar u eegnee

Guul wade bal soo durug

Gacantaada ii dhiib

Guud ahaan dadkaygii

Farriintaad bal gaarsii



Gacallow la orodoo

Giddi waxad su’aashaa

Waagii gumaysiga

Gardarraysigii uu

Saancaduu na gaasiray

Gobannima u dirirkii

Immisaa gadoodoo

Go’a  wigif ka siiyoo

Golxo iyo mariid iyo

Waran gaada leefiyo

Wuxu guuya heli kariyo

Heensaystay geenyada?



Immisuu gumaystuhu

Kuman gaas ku kiciyoo

Geeloodi dhacayoo

Gurigii ka qaadoo

Iyagoo gawaan yaal

Garka dhiigga loo daray?



Immisaa la gooboo

Harka galay la gurayoo

Garba duubna loo xiroo

Xabsi lagu gureeyoo

Gaalshire ku waaroo

Go’ay oon dib loo arag?



Arrintani gun dheeroo

Gocashadu xanuunlee

Waxan geylan dirirnee

Kolba gaasas bixinnaba

Lixdankii gugiisii

Hadaan gibil u waabnee

Geddi wada maqsuudnee

Calankeena gaarka ahee

Shanta gees ku taalana

Goobtii ka taagnee

Geeraar u  tirinee

Gacmahays qabsada iyo

Aan goobno kii maqan

Taladii ku gaw tiri

Maxay galabta joogtaa?

Guushii ma hanateen?

Ma guddeen abaalkii?

Maandeeq ma gurantahay?

Mise waa ka giigtaan

Gaawaha habeenkii?

Mays wada gargaarnoo

Gacal iyo xigaalaba

Gees qura ma joognaa?



Goos gooska sheekada

Guled waxad u sheegtaa

Intaan dirirtu go’inee

Geesiga baxaayee

Gablamayso hooyadu



Inta oori gii’loo

Ilma gabax ka siinoo

Gambo iyo asay xiran

Dhasha gacanta haysee

Gucle orod ku joogtee

Gar gaar  raadis ay tahay





Inta inan gashaantiyi

Gurigii ka maqantee

Cidla garabsaneysee

Goodkiyo libaaxiyo

Galowyadu ku ciyayaan

Amey goob shisheeyiyo

Geyi kale ku nooshoo

Gacalkii ka maqantahay



Intaan geeddi nahayee

Gaajaysanahayee

Gabooyuhu na maranyeheen

Wax gabraarsaneyneen

Garab rarata aan nahay

Guushii waxbaa dhiman

Gobannimo ma taam noqon

Gacalkiina muu degin

Anna gabayga maan deyn.






 Ahmed Saed Mohamud - 26,June,2014





No comments:

Post a Comment