Thursday, 17 November 2016

Geela: Abnaqiisa iyo Aagaga laga helo:


Waxa la rumaysanyahay in geela asalkiisu kasoo jeedo Koonfurta Ameerika. 45 malyan oo sano ka hor ayuu usoo tallaabay dhanka Waqooyi-Bari Aasiya, halkaas oo uu ku kala tegey, noocya kala noqday, ugana sii tallaabay jasiirad u'ekaha carabta iyo Afrika sida culimadu qabto.
Waxa jira xayawaana dhawr ah oo la rumaysanyahay inay geela abnaq wadaagaan.
Xayawaanadaas oo uu geela aan dhaqanaa ku jiro, waxa loogu abtiriyaa hal qoys oo la dheho qoyska geela (camelidae = camelids). Waxa loo kala qaybiyaa qoyska geela laba qaybood oo kala ah:

Thursday, 15 January 2015

Ridda Caashaq


Waxaan ahay ruux bestiisa
Riddada caashaqu haleeshay
Sidii waranka ugu roortay
Rigaaxdoon rubadda beelin


Waxaan ahay ruux agjooga
Jacaylkiyo rabadintiisa
Rafaadkiisiyo dhibtiisa
Rakaata sidii xareeda
Sidii aarna ula reema

Saturday, 23 August 2014

Hanuunshe


Mansada higsigeeda
Habdhaca ereygeeda
Hoyaale hoyaale
Hoyaale wanaagsan
Markale hal-abuurku
Ha eego tixdayda
Bulshadu ha abbaarto
Hagaag ha u dhuuxdo
Waxaan ka hadlaayo
Halkaan u tilmaamo

Saturday, 16 August 2014

Astaamaha dhiillo ee geela & fardaha

u fiirsashada iyo fahanka habdhaqanka xayawaanka (Animal behavior), waa mid soo bilaabatay xilligii aadanuhu ku dhaqaaqay dabjoogaynta xayawaanka qaarkiis iyo intifaacsigiisa. La socodka baahidiisa, isbedelka noloshiisa, hab-quudashadiisa, hannaanka tarankiisa  iyo wax yaabe kale oo badan ayaa dadku dhaqan ahaan u barteen teer iyo intii lagasoo gaarayey qarnigii 18-aad oo aqoon ahaan (science)  loo baaray dabeecadaha xayawaanka, lanasoo daah furay kasmooyin kulliyad ahaan (Academy) loo barto, lana xiriira caafimaadka iyo xannaanada xayawaanaka (Veterinary & Animal production), sida xannaanada xayawaanka (Animal hasbundry) iyo maaraynta nimcooleyda (Livestock management), kuwaasoo aqoon ahaan u  faahfaahiyey wixii tijaabada noloshu inaga bartay ma yeeraankan aan la noolnahay.

Gobannimo


Anigiyo geddaydii

Gurdan caawa ii baxay

Goolaaftan maansa ah

Ila garan gareeyoo

Bal durbaan garaaciyo

Jaandheerta gawliyo

Guuxada inoo dhiga

Googgaa walaalow

Friday, 30 May 2014

SALSAL


1. Samsameey Samiiraay hablaha waad u sidataaye
2. Soomaali oo idil adaan kaa suntanayaaye
3. Adigaan Siraadey tixdaan saaka kuu tirine
4. A daan kuu sidaa ereyo aan gaar u saanyadaye

Sunday, 25 May 2014

Hurre & Habboon ( curis) Q.2aad



                                                        Hindise: Axmed Siciid Maxamuud
Hurre wuxuu sii luudo isagoo dhanka Aarka soo eegaya, wuxuu gaarey geed xanan ah oo humbulan aadna u cufan, intuu dhinaca ka maray iskuna beegay ayuu labada kabood gacmaha ku qaatay oo cagaha wax ka deyey.

Mudda haduu sii maqiiqnaa meelna aanu deyin ayuu dib soo milicsaday, mise allaylehe meel fog ayuu Aarkii soo ordayaa isagoo hoos fiirinaya sankana raadkiisii la raacaya, wax kale uma furnee cagtooy i bixi iyo orod buu sii miciinsaday, inkastuu harraad iyo gaajaba dirqi la ahaa hadana lagaga weynaaye markey Aar libaax kulmeen ayaa ugu danbaysey, wuxuu sii ordaba goorey gabbal gaabad tahay ayuu kasoo dhex dhacay kadima geelal ah oo quban, bar baartii la joogtana dhinacyada kaga fooryeyso oo la meyracayo, kuwaas oo aanu soo gaareen maanta danbena hadii aan beladu soo eryan, waa ilahay mahaddii, mar hadaad cid heshay oo baabullihii iyo cidladiiba kasoo badbaadey ayuu uurka iska yiri.

Monday, 12 May 2014

Hurre & Habboon ( curis)


Hindise: Axmed Siciid Maxamuud
Goobtu waa eeri go'an iyo omos harraad loogu dhintay, waa halkii cir kaa dheer dhul kaa dheer lagu tilmaami jirey ,degsiimadu ma badna oo waa dhawr jees oo laba habeen ka hor iyana loxoskoodii ahaa, naq iyo niqaw toona meesha kama degin kobtase caddaan ayaa ka muuqda, dhirta qaarkeed sida galoolka iyo bilcilku  waa dharisay oo caleen cagaaran ayaa dusheeda ka muuqata, ubaxa badankiisu afka furtay ee dhirta dharisay  qaarkeed dulsaaran cayayaan badan ayaa dul heehaabaya oo shinnidu ugu qiima badantahay, balan baalistuna ugu qurxoontahay, higlada ayaa iyana dusheeda heelida iyo doomaarta laga dheehan karey, durba waxaraha yar-yare  ee diraac dhalka dhowaana ababay waxa laan-laan looga jaray galoolka, lama niyad xumayn oo xaalku suu ahaa marka la eego waxaba laysu haystey in diraac jebiye da'ay, waxana la malaynayey in gurigani yahay kii bocor gu' lagu sugi lahaa.